Cudurka Corona

Waxaad halkaan ka akhrisataa xogta cudurka corona, iyo sidda faafitaankiisa usaameeyo nolol maalmeedkaaga

 

Calaamadihiisa

Calaamadaha lagu garto cudurka corona waxaa kamid ah. Qandho/xumad, Qufac ama neef qaadasha oo adkaata.

Calaamadahan waxaa laysku arki karaa ilaa 14 cisho gudahood laga bilaabo xiliga cudurka qof ku dhacay, waana suuragal inaadan markiiba isku arag calaamadahan, taas oo macnaheedu yahay adigoo cudurka qaba In calaamadaha aysan Kaa muuqan. Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah In aad kudadashid In aadan xiriir dhaw layeelan dadka nugul sida waayeelka iyo dadka xanuunsanaya, si kastoo aad isu aragtid In aan ladan tahay.

Cudurka Corona ma khatarbaa

Cudurka corona  khatar kuma aha dadka horay ucaafimaad qabey.

Waayeelka iyo dadka xanuun kale horey uqabey, bukaan socodka ama dadka liita, Haddii uu ku dhaco wuu dhibaatayn karaa cudurka.

Cudurkan khatar kuma ah caruurta ama haweenka uurka leh. 

 

 

Sida uu ku faafo cudurka corona

 

Cudurka wuxuu ku faa'faa Karaa. Gacanta oo laysku salaami , hab laysasiiyo ,dunkasho, qufaca iyo hindhisada.

In aad ka agdhawaato qof jiran, 

Wuxuu kaloo ku faafi karaa cudurka In aad ku hindhisto ama ku qufacdo gacantaada kadibna  gacanta aad ku taabato shay ama qof. Sidaa awgeed Waa muhiim in aad ku hindhisto dhudhunka intii aad gacanta ku hindhisi lahayd, waana In gacmaha la dhaqaa markasta. 

Waxaa ugu fiican itaxafar ahaan In lakala fogaado.

 

 

Siddee isku baari karaa?

 

Haddii aan aragto calaamadaha cudurka corona sida In aad qufacdo, neef qaadashada oo dhib kajiro ama qandho Waa In aad laxiriirtaa dhaqtarkaaga.

 

Waa In aad ku baraa rugsan tahay In ay tahay muhiim in lagaa baaro cudurka corona, inkastoo aad isleedahay hargab ayaa ku haya, Waa suura gal In uu hargab yahay.

Waa muhiim in aadan ku tegin qolka dhaqaatiirta lagu sugo, si aadan ugu ridin cudurka dadka kale, Waa In aad wacdaa marka hore dhaqtarka.

Haddii aad calaamadaha cudurka isku aragto xiliga dhaqtarkaaga uu xiran yahay. Laxiriir dhaqtarka waardiyaha leh ama qeybta Gargaarka degdega telefoonadooda.

● Region Hovedstaden, Akuttelefon: 1813

● Region Nordjylland, Lægevagten: 70 150 300

● Region Midtjylland, Lægevagten: 70 11 31 31

● Region Sjælland, Lægevagten: 70 15 07 00

● Region Syddanmark, Lægevagten: 70 11 07 07

Dhaqtarka wuxuu kugu baarayaa In candhuuftaada uu baaro.

Halkaan ka akhri Dhaqtarka waardiyaha.

Haddii aad gujisid halkaan buluugga waxaa  ka akhrisan macluumaadka Dhaqtarka waardiyaha iyo fursada ah In turjumaan laguu qabto.

 

 

Waa maxay karantiilka?

 

Haddii aad xanuunsanayso ama aad xiriir aad la yeelatat qof ujiran cudurka corons, waxaa lagaa doonayaa In aad gurigaaga joogtid  14 maalmood,laguma booqan karo, mabixi kartid Shaqo, wax soo iibsaho ama In aad socod maji baxsi gashid iwm

Waxaa lagu talinyaa In aad is karantiisho mudo 14 haddii aad lakulantay qof cudurka qaba.

 

 

kaligay Ayaan ahay, Cidna ilama joogto maxaan yeelaa?

Waxaa ku caawinaysa bisha cas red cross

 

  • Haddii cudurka corona uu kuhayo karantiillna aad tahay.

  • ama uu jiro shaki In uu kugu dhacay cudurka. Sidaa awgeed karantiil aad gashay.

  • Ama aad tahay qof unugul cudurka qaadistiisa,  jirooyin kale aad qabtid ama waayeelnimo awgeed. 

 

In lagu caawiyo haddii aad rabtid waxaad wacdaa telefoonkan.35299660

 

Caruurtayda dugsiyada ma aadayaan?

 

Waxaa la xiray dugsiyada Denmark oo dhan laga bilaabo isniinta.16. Marso waxayna xirnaa doonaan laba isbuuc ee soo socda, si looga taxadaro In cudurka laysku gudbiyo.

Waxaa waalidiinta lagula balamay In caruurtooda ay guriga ku hayaan laga bilaabo khamiista 12 marso.

Degmooyinka kommunaha wuxuu  udiyaarshay dad haya caruurta ubaahan caawinta, sida In cid guriga kahaysa Aysan jirin waalidkoo shaqaynaya. Asxaab iyo qaraaba kalana haysan, marka fursadaas ka faa idayso Waa ay jirtaa.

Haddii aadan ogayn halka uu ku yaal meesha caruurta lagu hayo degmadadda, weydii latalisadaada degmada ama madaxa shaqadaada weydii In uu Kaa caawiyo.

 

Caruurtayda ma tagayaan xanaanada caruurta?

 Dhamaan meelaha lagu xanaaneeyo caruurta  Denmark, Waa xiran yihiin,laga bilaabo isniinta.16. Marso waxayna xirnaa doonaan laba isbuuc ee soo socda, si looga taxadaro In cudurka laysku gudbiyo.

 

Xaruumaha waxbarasha oo dhan

 Xaruumaha waxbarashada sida dugsiyada sare,jaamacada ama waxbarashooyinka kale,Waa xiran yihiin, laga bilaabo jimcaha.13.Marso waxayna xirnaan doonaan laba isbuuc ee soo socda, si looga taxadaro In cudurka laysku gudbiyo.

 

 

Mala xixiiri karaa latalisa dayda?

 Dhamaan shaqaalaha dowlada, marka laga reebo Kuwa caafimaadka , Kuwa waayeelka daryeela iyo booliska, Waa la fasaxay, waxayna ku shaqayn gurigooda, latalisadaada waxay ku shaqaynaysaa guriga, waxaad kula xiriiri kartaa telefoon, ha tegin xafiiska degmada kommunaha iyo kan shaqada jobcenterka, waa la xiray.

 

 

Ma u shaqa tegi Haddii aan tababar praktik ama lacagta kabista ku shaqeeyo løntilskud?

 Dhamaan shaqooyinka tababarida ama kabista, Lama tagayo, micnaha ma aadaysid shaqo  haddii aad praktik ama løntilskud kushaqsysid, Waa In aad guriga joogtaa maqnaansho laguma qoraayo ka bilow 16. Marso ilaa labada isbuuc ee soo socda.

 

 

Matagayaa barashada luuqada Danishka?

Dhamaan howlaha Waa la joojiyay, micnaha matageysid goobta barashada luuqada danishka, 

Waa muhiim in aad joogto guriga,maqnaansho laguma qoraayo ka bilow 16. Marso ilaa labada isbuuc ee soo socda.

 

 

Salaadaha, Masjidka ama kaniisadaha

Masaajida, kaniisadaha, iyo meelaha kale ee cibaada lagu sameeyo Waa xiran yihiin ka bilow 13.marso. Qofkana Waa In uusan tegin saladaha iyo isu imashasha ay joogaan kabadan 100 qofood.

Laga bilaabo taladada 17 marso, Waa sharci daro In laqabto kulan 100 qof ama kaban isu imaanayaan.

 

 

Isbitaaladda iyo Xaruumaha waayeelka

 Waxaa lagu talinayaa In aadan ugu tagin booqasho dadka ku jira isbitaalada ama xaruunta waayeelka si looga taxadaro in laysku gudbiyo cudurka.

 

Ma soo adeegtaa raashin Badan 

Ma soo adeeganaysid raashin Badan, waayo dukaamada Denmark Waa furan yihiin si caadi ah, raashin ku filsan Waa uu yaal.

Dowlada waxay ku baaqday In aan la iibsan raashin ka Badan intii aad isticmaali jirtay sida caadiga kuu ahayd.

På Tværs ivs

Vi hjælper udenlandske borgere med at finde rundt i Danmark.

Links

Fragt

Kontakt os

© På tværs ivs

  • Instagram - White Circle
  • Facebook - White Circle